us-doj-guidance-CRT-1316136•Information for Refugees and Asylees About the Form I-9 (Somali)
Information for Refugees and Asylees About the Form I-9 (Somali)
us-doj-guidance-CRT-1316136Information for Refugees and Asylees About the Form I-9 (Somali)Guidance
Macluumaadka Qaxootiga iyo Magangelyo ee ku saabsan Form I-9 Qof kasta oo shaqo ka bilaabaya gudaha Maraykanka wuxuu buuxiyaa Form I-9, foom dawladeed oo loo-shaqeeyayaashu isticmaalaan si ay u xaqiijiyaan aqoonsigaaga iyo ogolaanshahaaga shaqo. Xaashidan xaqiiqda waxa loogu talagalay inuu ku caawiyo, magangalyo doonkaiyo qaxootiyada, buuxi Form I-9 oo aad ogaato xuquuqdaada. Loo-shaqeeyayaasha kugu takoora iyada oo ku saleysan dhalashadaada, heerka socdaalka, ama asalka dhalashadaada inta lagu jiro nidaamka Form I-9 waxay ku xad-gudbi karaan qayb ka mid ah Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Immigration and Nationality Act). Sharcigan takoorka ayaa laga helayaa 8 U.S.C § 1324b. Buuxinta Form I-9 Qaybta Section 1 ee Form I-9, bixi macluumaadka adiga kugu saabsan. • Geli magacaaga iyo macluumaadka kale ee adiga kugu saabsan Section 1 ee Form I-9. o Waxaad waydiisan kartaa qof inuu ku caawiyo buuxinta qaybtan. • Waa inaad calaamadesaa sanduuq muujinaya heerka ku siinaya ogolaanshaha shaqada. o Qaxootiga iyo magangalyo-doonku waa inay ku saxaan sanduuqa afraad ee “A noncitizen authorized to work” (“Qof aan muwaadin ahayn oo loo oggolaaday inuu shaqeeyo”). Waxaa jira meel bannaan oo lagu buuxiyo taariikhda dhicitaanka, haddii ay jirto, sanduuqan agtiisa. Xaashida Xaqiiqda Shaqaalaha Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka Qaybta Xuquuqda Madaniga ah Qaybta Xuquuqda Soogalootiga iyo Shaqaalaha justice.gov/ier
o Sababtoo ah oggolaanshahaaga inaad shaqeyso, ma dhacayo, ku qor “N/A” (oo macneheedu yahay "aan khusayn") gudaha goobta taariikhda uu dhacayo. Qaybta Section 2 ee Form I-9, tus dukumentiga loo-shaqeeyahaaga oo tusaya aqoonsigaaga iyo ogolaanshahaaga shaqo. • Form I-9 waxa uu leeyahay saddex liis oo dukumeenti ah oo aad ku tusi karto qaybta Section 2 ee Form I-9: o List A (dukumeentiyo muujinaya aqoonsigaaga iyo ogolaanshahaaga shaqo) o List B (dokumentiyo muujinaya aqoonsigaga) o List C (dukumeenti muujinaya ogolaanshahaaga shaqo). • Waa inaad tustaa loo-shaqeeyahaaga mid: o Mid List A dukumeenti ama o Isku darka hal dukumeenti List B ah iyo hal dukumeenti List C ah. • Waxa ku yaal receipts (rasiihada) liiska hoose ee dukumentiyada. Receipts sidoo kale waa la aqbali karaa Form I-9 ee wakhtiyo kala duwan. Waxaad xaq u leedahay inaad doorato dukumentiyada la aqbali karo ee aad rabto inaad ka muujiso Form I-9 Lists of Acceptable Documents (Form I-9 Liisaska Dukumentiyada La Aqbali Karo). Loo-shaqeeyahaagu kama dalban karo inaad tusiso dukumentiyo gaar ah oo ku salaysan magangelyo ahaan ama qaxootinimo, ama ku salaysan asalkaaga qaranka. Loo shaqeeyaha u baahan dukumeenti gaar ah waxaa laga yaabaa inuu si sharci darro ah u takoorayo. Tusaale ahaan, inkasta oo laga yaabo inaad haysato Dukumeenti Ogolaanshaha Shaqada (Employment Authorization Document, EAD), waxaad go'aansan kartaa inaad tusto dukumeenti kale, sida aqoonsiga gobolka (dokumentiga List B) iyo kaarka Lambarka Bulshada ee aan xadidnayn (dokumentiga List C).
Waxa laga yaabaa inaad haysato dhawr nooc oo dukumeenti ah oo Form I-9 ah oo la aqbali karo. • Waxaad tusi kartaa I-94 ee Form I-9. Waxaad ka heli doontaa warqada I-19 oo ka socota Waxda Amniga Dalka (Department of Homeland Security), ama waxaad ka daabacan kartaa I-94-kaaga Customs and Border Protection websaytka. • Haddii aad qaxooti tahay, I-94-kaagu waa rasiidhka List A dukumeenti shaqaynaya 90 maalmood laga bilaabo maalinta ugu horeysa ee shaqadaad. 90 maalmood ka dib, waa inaad tustaa loo-shaqeeyahaaga midkood EAD ama isku darka List B dukumeentiga iyo kaarka Arimaha Bulshada ee aan xadidnayn. • Haddii aad tahay magangalyo doon, waxaad I-94 u isticmaali kartaa sidii dukumeenti List C joogto ah oo aan dhacayn. • Magangalyo doonka iyo qaxootiga waxay xaq u leeyihiin EADs. Haddii aad go'aansato inaad codsato inaad dib u cusboonaysiiso EAD kaaga oo codsigaaga la xareeyo taariikhda uu dhacayo ee ku qoran EAD kaaga, waxa laga yaabaa inaad sii wadato la shaqayntaada EAD ee jirta. Muddo ka dib taariikhda dhicitaanka ee EAD kaaga, waad sii wadan kartaa shaqada adoo tusinaya loo-shaqeeyahaaga EAD ogeysiiska receipt I- 797C (oo muujinaya in dawladu heshay Codsigaaga EAD cusub). Wac Qaybta Xuquuqda Madaniga ah ee Soogalootiga iyo Xuquuqda Shaqaalaha (Immigrant and Employee Rights Section, IER) wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan kordhinta tooska ah ee EAD. • Waxa kale oo aad tusi kartaa receipts. dukumeenti luntay, la xaday, ama dhaawacmay. Marka aad u buuxiso Form I-9, loo-shaqeeyahaagu waxa kaliya oo loo ogolyahay in uu ku waydiiyo dukumeenti mar labaad xaalado xaddidan. • Xeerarka marka loo-shaqeeyaha ay tahay inuu mar kale weydiiyo dukumentiyada ayaa looga hadlay Handbook for Employers M-274 (Buug-gacmeedka Loo- shaqeeyayaasha M-274). • Haddii aad muujisay EAD Form I-9, loo-shaqeeyahaagu wuxuu ku waydiin doonaa inuu arko dukumeenti kale wakhtiga EAD daadu dhacayso si loo xaqiijiyo ogolaanshahaaga shaqo. Tallaabadan, waxaad dooran kartaa inaad tusiso List A dukumeenti ama List C ah dukumeenti sida kaarka Arimaha Bulshada oo aan xaddidnayn. Waxaad dooran kartaa inaad tusto EAD cusub, laakiin maahan inaad.
• Haddii aad tustay kaarka Lambarka Bulshada ee Qaybta Section 2 caddayn ahaan ogolaanshahaaga shaqo oo aad geliso "N/A" taariikhda dhicitaanka ee Section 1, loo- shaqeeyahaaga looma ogola inuu ku waydiiyo dukumeenti dheeraad ah. • Loo-shaqeeyayaasha oo weydiiya dukumeenti markii aan looga baahnayn, iyadoo lagu salaynayo magangelyadaada ama xaaladdaada qaxootinimo ama ku saleysan asalkaaga qaranka waxaa laga yaabaa inay ku xad gudbaan sharciga. Wac Waaxda Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Shaqaalaha wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan marka loo-shaqeeyahaagu loo oggol yahay inuu ku weydiiyo dukumeenti dheeraad ah. Waxaad shaqayn kartaa inta aad sugayso lambarkaaga Arimaha Bulshada. • Haddii aad shaqo hesho laakiin aadan haysan lambarkaaga Arimaha Bulshada, haddana, Maamulka Lambarka Bulshada ayaa faraya loo-shaqeeyayaasha in shaqaalaha loo oggolaado inay shaqeeyaan iyagoo sugaya Lambarkooda Arimaha Bulshada. • Loo-shaqeeyahaagu waa inuu had iyo jeer bixiyaa shaqo kasta oo la dhammeeyey, xitaa haddii aad weli sugayso lambarkaaga Arimaha Bulshada. • Haddii aadan haysan lambarkaaga Arimaha Bulshada marka aad bilowdo shaqadaada, ka tag sanduuqa Lambarka Arimaha Bulshada ee Form I-9 Section 1 maran. • Haddii loo-shaqeeyahaagu isticmaalo E-Verify, E-Verify wuxuu farayaa loo- shaqeeyayaasha delay creating the E-Verify case inay dib u dhigaan abuurista kiiska E-Verify ilaa aad ka hesho lambarkaaga Arimaha Bulshada. Waxaad shaqayn kartaa inta lagu jiro wakhtigan haddii aad buuxisay Form I-9. E-Verify xeerarka si gaar ah u oggolow ka-reebitaankan oo sii loo-shaqeeyayaasha tilmaamaha abuuritaanka kiiska. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa e-verify.gov. Waxa Dib loo eegay Ogosto 2023 (Ku sii soco bogga xiga)
Nalaga soo Xiriir • Si aad u hesho caawimo dheeraad ah, ka wac Khadka tooska ah ee Shaqaalaha ee Qaybta Xuquuqda Immigrant iyo Employee 1-800-255-7688 ama 1-800-237-2515 dadka maqalka naafada ah. o Caawimo kasta oo naga yimaada waa bilaash. Wicitaanadu waxay noqon karaan qarsoodi, waxaana jira adeegyo luqadeed oo bilaash ah. • Si aad wax badan u barato, booqo websaytka • Si aad uga warbixiso takoorka, booqo justice.gov/crt/filing-charge
Wondering how this text applies to your situation?
Free consultation, no commitment
Describe your situation. Our team will contact you by email about your consultation.
Continue your research in ChatGPT or Claude
Connect Omnilex to search the legal corpus from your AI assistant.